Jump to content

Jamaame

Ka Wikipedia

Degmada Jamaame waa degmo ku taala Gobolka Jubbada Hoose, waxay Kismaayo u jirtaa qiyaas dhan 60 km. Jamaame waxaa dega qabiilo kala duwan hase ahaatee waxaa ugu badan qabiilka Biimaalka, waxaa soo raaca dadyow asalkooda ka soo jeeda waddanka Yemen, gaar ahaan Xadarmoot. Magaalada waa magaalo aad u hurumarsan. Waxaa ku yaalay isbitaal weyn iyo dugsi oo raacsanaa qolo maraykan ah. Sidoo kale waxaa ku yaalay dugsi raacsanaa masaarida. Jamaame waxay leedahay laba suuq oo laka yiraahdo suuq mugdi oo ku yaala xaga dambe ee magaalada iyo suuq iftiin ama suuq weyn ee ku yaala magaalada xaga hore ee laga soo galo. Sidoo kale magaalada waxay leedahay seddax xaafadood oo lakala yiraahdo Howlwadaag, Kacaanka iyo Nasiibwanaag (Nasiibtumaal). Magaalada waxaa mara webi yar oo la yiraahdo Webi-Urow lagana soo jeexay webiga weyn ee Jubba.


Magaalooyinka Gobolka Jubbada Hoose Calanka Soomaaliya
Afmadow · Jamaame · Kabsuuma · Kismaayo · Mareerey · Ras kambooni
Magaaloyaasha Gobolka Jubbada Hoose Calanka Soomaaliya
Afmadow · Badhaadhe · Jamaame · Kabsuuma · Kismaayo · Mareerey · Ras kambooni · Xagar

Badhaadhe is the most peaceful and evergreen district.