Sheed dheer
Sheed Dheer (English: Sheder , Arabic: شيذير), sidoo kale waxa loo higgaadiyaa Shedheer waa magaalo weyn oo kutaalla Woqooyiga Gobolka Faafan ee Soomaali Galbeed ee dalka Itoobiya. Waxay Koonfur Galbeed kaga aadan tahay magaalada qadiimiga ah ee Awbare (Teferi Ber)[1].
Dadka Deggan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalada waxaa dega Bulshaweynta Aadan Yoonis ee Qabiilka Gadabuursi. Dadka ugu caansan waxa kamid ah; Suldaan Cali Bucul, Sheekh Jibriil, Sheekh Muxumed Fariid, Sheekh Cali Ayaanle, Geeddi Xoosh, Sheekhdoon Cawl,Awnuur muxumed daarood oo ahaa ninkii isagoo wata awr uu kurarnaa hadhuudh uu rabay inuu kusoo iibiyo magaalada wajaale ay qabteen ciidankii boqortootadii xayle sallaase intuu ninkii lagu daray uu bireeyay latagay isagoo wata ninkii iyo awrkiiba magaaladii awnuur wuxuu ahaa ninnkii keenay ha,ayda bisha cas gobolka awdal waxaa kale oo kadhashey Almis oo ahaa odaygii yidhi maahmaahda ah (dhagax alle meeshuu ku uumay ayuu yaallaa)isagoo ula jeeday laba beelood oo collaad dhexmartay kuna dagaalay dhul beereed ayuu qoladii gardarnayd ku yidhi xikmadaa gartiina sidaas ayay ku dhaamatey laguna kala saaray.Suldaan cumar suldaan calibucul oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee deegaamadaas kasoo baxa jaamacada aser ahaana sheekh caalim ah markii dambana noqday suldaankii koobaad ee beelaha gadebuursi iyadoo horay loolahaa ugaas ahaana ninkii koobaad ee diiday waxa looyaqaan Gibir ama cashuurta Beesha Aaden Yoonis waxa hoosyimaad oo katafiirmay Shanta oday ee kala ah:
- Axmed Aadan
- Abiib Aaden,
- Boqorweyne Aaden, iyo
- Sayre Aaden.
- Axmed Aadan
Axmed Aadan wuxuu dhalay labada oday ee lakala yidhaa
1.abokor Aadan iyo 2.xasan Aadan(xasan badhiile)
Hadaba xasan badhiile wuxuu dhalay 6 da oday ee kala ah 1.Hayiinle xasan 2.maxamuud xasan 3.mahad xasan 4.Axamed xasan 5.faarax xasan Oo ah aw faarax goodaad ama looyaqaan(ree warsame dhagagoo)iyo 6.yuusuf xasan
Abbaan duulle Cali Bucul waxa uu kamid yahay ragga ugu caansan Taariikhda Ummadda d Gadabuursi taas oo aad loogu xasuusto arrimo badan oo ay kamidyihiin kulankii dhexmaray isaga iyo Diirye Guure ku kulmeen meel kamid ah dhulka Soomaali Galbeed. Diiriye Guure wuxu yidhi waxan maqlay inay dadka Gadabuursigu ammaanta fardaha ku dheereeyaan marka waxan doonayaa inaan maqlo geeraar faras, markaa Mudane Cali Bucul ayaa hadalka ubaxay siina raaciyey aniga ayaa kuu tirinaya. Diiriye Guure wuxu yidhi haddii aan kaa geeraar fiicnaado qudhaan kaajari Mudane Cali Bucul ayaa ugu jawaabay haddii aad eray aan idhi iga daba tidhaahdo anigana warankaygu kaa dambayn maayo. Md Cali Bucul marka uu marayo ‘’Halgaraadka guntiisiyo, guudkiibuu ka caddaadee, ma galool ubax laa’’, ayuu yidhi nin maamulka Diirye Guure kamid ahaa ‘’Awoowgaa lagub haddee ma anaaba galool ubaxleh ammaan kaday is idhi’’.waxaa kale oo kamid ahaa geeraradii abaanduule suldaan calibucul HELMIYEY OO HELMIYEY OO AMAANTAADA HELIWAAYEY HOOSIISOW MIDABKAAGU MA HABEENKIYO WAAGOO KALA HAAYIRAA .
- GUDCUR ROOB GIBILSARAY
DHAGIHII GUUXA GABEEN INDHIHIINA NUURKU GABEEN TUUGA SOO GABANAYAA SAANIBUU UGARTAAYE MA GUHAAN GARABDAARLAHOO FAALLKA GUUN KU AH AHBAA
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxay Waaxda Arrimaha Qoxootiga iyo Dadka soo noqda ee Itoobiya iyo Hay'adda UNHCR ay wadajir uga fureen xarun Qoxooti ah magaalada Sheed Dheer june 2012 dadyawga ladejiyeyna tiro ahaan waxay dhannaayeen 10,847[2].
Cimilada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalada Sheed dheer waa mid ku haboon meerashada dalagga kaladuwan sida beerashada hadhuudhka (cambuulada), gellayda (mesegeda), qamadiga, heedda, qoondarka, iyo dhammaan dalagga loo yaqaan geed-gaabka. Sidoo kale magaaladu waxay aad ugu fiicantahay cimiladeedu xagga dhaqashada xoolaha ay kamidka yihiin adhiga, riyaha, lo'da, fardaha, dameeraha iyo dhaqidda digaaga[3].